Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo qarka usaaran in ay aqbasho xukunkii Maxkamada caalamiga ah Ee muranka Badda Somaliya
    Somalia

    Kenya oo qarka usaaran in ay aqbasho xukunkii Maxkamada caalamiga ah Ee muranka Badda Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 16, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadihii Shidaal ee Kenya ay Qandaraaska ku siisay in ay Shidaal ka qodaan Baddii ay kula muransanayd Somaliya,ayaa dalbaday in loo celiyo dhaqaalihii ay Dowlada Kenya ka hormarsatay.

    Shirkadaha,ayaa ku doodaya maadaama Badda dhanka Kenya laga waayay Shidaal oo qaybtii laga helayna loo xukumay Somaliya ay Dowlada Kenya soo celiso Lacag dhan $200-milyan.

    Dowlada Kenya,ayaa dhankeeda ku dooday in Lacagtii baxday laga soo qaado wax gubtay maadaama heshiiskii fashilmay oo uu yimid,waxaan la filayn.

    Balse Shirkadaha,ayaa shuruud uga dhigay Kenya haday rabto in la baabi’iyo heshiiskaas iyo Lacagihii lagu kala qaatay in ay Somaliya la gasho heshiis Gobol oo Shidaal.

    Dowlada Kenya way ka hor timid soo jeedinta Shirkadaha,waxayna codsatay in la siiyo 2-sano,maadaama Somaliya aysan ka jirin Dowlad lala hadli karo oo masuul ah.

    Heshiiskaas Shidaal,ayaa Kenya ku khasbaya in Badda muranku ka jiray ee Maxkamadu uxukuntay Somaliya ay si buuxda u aqbasho go’aanka una aqoonsato Bad Somaliyed.

    Fursada Somaliya ugu jirta cadaadiska Shirkadaha ku leh Lacagta Kenya waa in uu soo afjarmo murankii oo Kenya u aqoonsato Baddaas in ay Somaliya leedahay si rasmi ah.

    Kenya dhankeeda waxay ku heli kartaa heshiiskaas in Somaliya uga iibiso Shidaalka qiimo ka jaban kan caalamka oo xeer gaar ah,sidii ay horay usameeyeen Kuweyt iyo Sacuudiga oo kale.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.