Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khaan oo la horgeeyay Maxkamad soo saartay amar lagu soo xirayo
    Somalia

    Khaan oo la horgeeyay Maxkamad soo saartay amar lagu soo xirayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 18, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa sameeyay guddi hoggaamin doona xisbigiisa haddii la xiro, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saacado ka hor inta aan la horgeyn maxkamad soo saartay amar lagu soo xirayo.

    Halyeeygii hore ee cricket-ka xulka Pakistan ayaa hoggaaminayay dibadbaxyo dalka oo dhan ka dhacay, kadib markii xukunka laga riday sannadkii hore, waxaana la diiwaan geliyay kiisas badan oo isaga ka dhan ah.

    Booliska ayaa isku dayay inay qabtaan Talaadadii, laakin kuma guuleysan, taasoo keentay in ay isku dhacaan taageereyaasha xisbigiisa.

    “Waxaan sameeyay guddi go’aano qaadan doona – haddii – la i xiro” ayuu 70-jirkan ku sheegay wareysi uu ku bixiyay gurigiisa Lahore kahor inta uusan u ambabixin Islamabad subaxnimadii Sabtida.

    Waxa uu sheegay in 94 kiis lagu soo oogay.

    Khan, oo toogasho lagu dhaawacay bishii November ee sannadkii hore, ayaa sheegay in halista noloshiisa ay ka weyn tahay sidii hore, wuxuuna caddeeyay – isagoo aan bixin caddayn – in dadka kasoo horjeeda siyaasadda iyo milaterigu ay doonayaan inay kahor istaagaan inuu isu soo taago doorashada dhammaadka sannadkan.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.