Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khasaaraha Dabka ka kacay Magaalada Los Angles
    Somalia

    Khasaaraha Dabka ka kacay Magaalada Los Angles

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dabaylo aad u xooggan oo riixayay dabkii qabsaday qaybo ka mid ah magaalada Los Angeles ayaa ugu dambayn hoos u dhacay habeenimadii Jimcaha, kuwaasi oo waxoogaa nasiyay kooxaha dab demiska, laakiin dabkii ugu waynaa ayaa la sheegay in uu u leexday jiho kale, taasi oo keentay amaro cusub oo daadgurayn ah.

    Lix dab oo isku mar ah ayaa baabi’iyay xaafado ka tirsan degmada Los Angeles tan iyo Talaadadii, waxaana ku dhintay ugu yaraan 11 qof, iyadoo uu dabku burburiyay ama waxyeeleeyay 10,000 oo guri. Waxyeellada ayaa la filayaa in ay korodho marka ay xaaladdu degto oo ay dab-demiyeyaashu sameeyaan qiimeyn guri ka guri ah.

    Habeenimadii Jimcaha, wargeyska Los Angeles Times ayaa sheegay in Dabka Palisades ee ka kacay cirifka galbeed ee magaalada uu u weecday jiho cusub, taasi oo keentay in uu soo baxo amar ka bixitaan ah oo quseeya inta badan xaafadda Brentwood iyo San Fernando Valley.

    “Dabka Palisades ayaa olol horleh ka helay qaybta bari waxaana uu u wareegayaa waqooyi-bari,” ayuu Kabtanka Waaxda Dabka ee Los Angeles Erik Scott u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee KTLA, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray website-ka LA Times.

    Ka hor ololka cusub, dab-demiyeyaasha ayaa soo sheegay horumar laga gaaray bakhtiinta Dabka Palisades iyo Dabka Eaton ee buuro-hoosaadyada bari ee magaalada.

    Ka dib markii uu maalmo socday, inkastoo ay dadaal u galeen boqolaal dab-damis ah oo dabka hawada iyo dhulkaba ka deminayay, Dabka Palisades ayaa la xakameeyey 8%, halka Dabka Eaton isna la xakameeyay 3%.

    Si kastaba ha ahaatee, labada dab ee waaweyn ayaa marka la isku daro waxa ay gubeen 35,000 acres (14,100 hektar), ama 54 mayl oo laba jibaaran.

    Iyada oo kumannaan qof ay hoy la’aan noqdeen, qiiquna uu sii kordhayo, saraakiisha Mareykanku waxa ay ku dhawaaqeen xaalad caafimaad oo degdeg ah.

    Ilaa 153,000 oo qof ayuu quseeyaa amarka daad-gureynta, iyadoo 166,800 kalena ay helayaan digniino daad-gureynta, waxaana bandow lagu soo rogay dhammaan aagagga daadgureynta, ayuu yiri Sheriff-ka Koyntiga Los Angeles, Robert Luna.

    Todobo gobol oo deris la ah California, dowladda federaalka iyo Kanada ayaa gargaar ula cararay California, iyagoo xoojinaya kooxaha hawada ka tuuraya biyaha dabka lagu bakhtiinayo, iyo kooxaha dab demiska ee buuraha ololaya, iyo kuwa dhulka oo ku howlan deminta dabka.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.