Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khasaare ka dhashay dagaal dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab
    Somalia

    Khasaare ka dhashay dagaal dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 15, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada amniga Dowladda Puntland iyo Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay Degaanka Af-Urur ee Gobalka Bari.

    Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday qoriga hoobiyaha kusoo qaadeen saldhig Ciidanka Puntland aay ku lee yihiin Degaanka  Af-urur ee Gobalka Bari.

    Dadka Degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen Rasaas xoog leh oo  dhinacyadu Isku adeegsadeen.

    Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay Khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, waxaana uu xusay in dhankooda ay kaga dhinteen Dagaalka 2 Askari, halka Labo kalena ay kaga dhaawacmeen.

    Degaanka Af -Urur oo katirsan Gobalka Bari ayaa waxaa saldhig weyn ku leh Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland, Al-Shabaab ayaana marar dhowr ah kusoo qaaday weeraro.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.