Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khasaare soo gaaray Markab Xuutiyiintu weerareen
    Somalia

    Khasaare soo gaaray Markab Xuutiyiintu weerareen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Markab nooca Saliida qaada ah,ayaa waxyeelo kasoo gaartay gantaal lagu weeraray xeebaha dalka Yemen duqeyntii ugu dambeysay oo ay fuliyaan Xuutiyiinta.

    Dhacdadan,ayaa ka dhacday meel qiyaastii 15-nautical miles Koonfur-galbeed ka xigta Magaalada Mocha ee Dalka Yemen.

    Hay’adda ammaanka Badda ee Ingiriiska ee UKMTO ayaa sheegtay in markabka oo ka babanaayay calanka Panama ayaa laba jeer weeraray isla markaana uu burbur soo gaaray.

    Lama sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay, waxaana la baarayaa sida ay wax u dhaceen.

    Sida laga soo xigtay UKMTO, weerarka koowaad ee gantaalka ayaa sababay qarax meel u dhow markabka, waxaana dareemay dadkii saarnaa. Midka labaad – oo loo malaynayo in ay ahayeen laba gantaal – ayaa ku dhacay markabka.

    Shirkadda caalamiga ah ee maareynta khatarta ee Ambrey ayaa sheegtay in saddex gantaal la arkay.

    Waxa ay intaa ku dartay in gantaalada balaastikada ah la sheegay in laga soo ganay gobolka koonfur-galbeed ee Yemen ee Taiz.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.