Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khasaare soo gaaray Markab Xuutiyiintu weerareen
    Somalia

    Khasaare soo gaaray Markab Xuutiyiintu weerareen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Markab nooca Saliida qaada ah,ayaa waxyeelo kasoo gaartay gantaal lagu weeraray xeebaha dalka Yemen duqeyntii ugu dambeysay oo ay fuliyaan Xuutiyiinta.

    Dhacdadan,ayaa ka dhacday meel qiyaastii 15-nautical miles Koonfur-galbeed ka xigta Magaalada Mocha ee Dalka Yemen.

    Hay’adda ammaanka Badda ee Ingiriiska ee UKMTO ayaa sheegtay in markabka oo ka babanaayay calanka Panama ayaa laba jeer weeraray isla markaana uu burbur soo gaaray.

    Lama sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay, waxaana la baarayaa sida ay wax u dhaceen.

    Sida laga soo xigtay UKMTO, weerarka koowaad ee gantaalka ayaa sababay qarax meel u dhow markabka, waxaana dareemay dadkii saarnaa. Midka labaad – oo loo malaynayo in ay ahayeen laba gantaal – ayaa ku dhacay markabka.

    Shirkadda caalamiga ah ee maareynta khatarta ee Ambrey ayaa sheegtay in saddex gantaal la arkay.

    Waxa ay intaa ku dartay in gantaalada balaastikada ah la sheegay in laga soo ganay gobolka koonfur-galbeed ee Yemen ee Taiz.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.