Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khatar ay Itoobiya hormuud utahay oo kusoo wajahan halganka difaaca Laascaanood
    Somalia

    Khatar ay Itoobiya hormuud utahay oo kusoo wajahan halganka difaaca Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 5, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Markii ay muuqatay in Ciidamadii Muuse Biixi ku jabeen LC,isla markaana dagaalkii isku badalay mid Qabiil oo Beelaha Harti gurmadkoodii kusoo shumay LC,ayaa qaylo dhaan bilaabatay.

    Sadexda Nin ee Dirta Itoobiya ugu jira Dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayaa utagey Abiy kana dhaadhiciyay in badbaadinta SL ay muhiim utahay danaha Itoobiya ee Geeska.

    Abiy oo aragtidaas la qaatay,ayaa durba isku duba riday wefti muhiim ah oo bilaaba dhex-dhexaadin,kaasoo kusoo hormaray Hargaysa.

    Kulankoodii Garaadada waxay ku waydiiyeen aragtidooda xalka iyo doodooda.

    Ujeedka Itoobiya waa Sadex Qodob oo hiil u ah SL,kuwaasoo kala ah…

    1.In Xabadu istaagto si aan jab xoogan ugaarin Ciidanka SL.

    2.In wada hadal loo furo Labada dhinac.

    3.In ugu danbayn Garaadada lagu qanciyo la midowga Hargaysa.

    Si loo gaaro qorshahaas Itoobiya waxay isku muujinaysaa dhex-dhexaad,waxayna fulin doontaa shuruudaha Garaadada ee ay ka mid yihiin…

    B.In Ciidamada SL la geeyo xuduuda Qabiil ee Beesha Isaaq ay lala leedahay Beesha Dhulbahante.

    T.In Ciidamo Itoobiyaan ah lakala dhex dhigo Labada dhinac.

    Intaas kadib Garaadada,waxaa lagu casumi doonaa Adis-ababa,waxayna kasoo laaban doonaan,iyagoo Somalilander ah,taasoo ku imaan doonta cadaadis noocyo badan leh oo ay qayb ka yihiin reer Galbeedku.

    Xalku muxuu yahay?

    B.LC waa in difaaceeda la adkeeyaa oo gurmadka Beelaha Harti uusan istaagin gudo iyo dibad.

    T.Garaadadu waa in ay Xamar ku hor maraan ka hor tagidooda Adis-ababa.

    J.Waa in haldoorka Siyaasiga Daarood ku cadaadiyaa in SSC Dowlada Fadaraalku u aqoonsato Maamul.

    X.Waa in Siyaasiyiinta Mudulood la isticmaalaa oo looga badashaa aqoonsiga SSC aqbalka Daarood ee Banaadir State.

    Kh.Garaadadu waa in ay tagaan Adis,iyagoo dhisay Maamul oo SL hor fariisiyaan Maamulka SSC.

    Dagaalka LC waa ka gudbay xuduudaha iyo inta la malayn karo,waxayna rabtaa Itoobiya in ay xaalka kusoo celiso LC oo SL xukunto markale.

    Reer Galbeedku Somalida waxba uma yaqaanaan,waxayna ilaalsadaan Itoobiya oo ay udirsadaan danaha ay leeyihiin kana dhagaystaan waaqiciga siyaasi ee gadmaya markaas.

    Fursada la haysto waa in Itoobiyada Maanta jirta aysan ahayn tii awooda badnayd ee Tigreegu hogaaminayay.

    LC markay timaado dhanka Itoobiya,waxaa doorkiisii aan buuxinayn sida Wiilasha isku bahaystay Dirta Itoobiya Ina Cagjar oo qorshahan daawade asal madoorshe ka ah.

    Siyaasiyiinta Beesha OG ee Geeska haday leeyihiin fahan Siyaasadeedka ka socda Geeska,waxuun qiyam ahna ay ku diriri karaan saakay waa umuhiim hiilkoodu badbaadinta Dhulbahante.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.