Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khatarta Nukleerka iyo Geeska Africa.WQ.ABDIWAHAB ABDI HASHI
    Somalia

    Khatarta Nukleerka iyo Geeska Africa.WQ.ABDIWAHAB ABDI HASHI

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 24, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Akhrista yaal sidaan wada ogsoonahay waxaa wadanka imaaraadku heshiis lagalay somaliland oo ku dooda in ay kamadax banaantahay Somaliya inteeda kaleeto, Heshiis kaas oo dhigaya ama ah mid wadanka imaratka u ogolaanaya inay saldhig ciidamada cirka ah ka samaystaan magaala caanka ah ee BERBERA, heshiiskaan oo baarlamaanka somaliland ansixiyey 15/02/2017, ayaa muran badan kadhashay kaas oo sababay in jaaliyadaha dibada iyo asxaabta mucaaradku naqdiyaan,

     

    UJEEDADA EBARAT KA (UAE) EE SALDHIGA

    Dawlada Emaratku  waxay qayb katahay xulufada gacanka Cadmeed ee dagaalka kula jira  jabhada xuutiyiinta ee yemen kadagaalanta inta badana gacanta ku haysa Yemen, taas oo imaaradku u arkay in fursad uu uhelikaro xakamaynta iyo ka hortaga wareeraro ugayimaada xuutiyiinta hadii saldhigaas BERBERA  uu ku guulaysto,

     

     

    WAA KUWAMA XUUTIYIINTU,

    Xuutiyiintu  waa koox jabhad ah oo la sameeyey  sanadkii 1990 waxaa lagu sameeyey magalada  SA’DAH, oo kutaal waqooyiga yemen,

    wa jabhad sal adag oo shiico ah  magacooda runtaa waxa layiraahdaa Ansaarulaah, waa jabhad xiriir  laleh Iran, SERIA, IYO RUUSH KA. waxay kataliyaan magaalooyin badan kuwaas oo aan ka xusi karro SANCAA, TEIZ(TICIS), IYO HUDEIDIYAH, waxay dagaal kula jiraan dawlada Yemen iyo xulufada Sucuudigu hogaamiyo oo ay ku bahaysanyihiin reer galbeedka iyo wadamada  khaliijka ama jazeeratul carab oo dhan,

     

     

    GANTAALAHA NUKLEERKA XAMBAARA EE AY XUUTIYIINTU KU HUBAYSANYIHIIN,

    xuutiyiintu waxay ku qalabaysan yihiin gantaalo rido dheer ee ay ka midyihiin scud type missles oo looyaqaan (BORKAN), waxaa sameeya ruushka  19.1.1991 waxaa adeegsatay dawlada ciraaq ayadoo 12 jeer ku dukhaysay israil hal marna sacuudiga,

    gantaalkaan culaykiisu waa  4400kg, kimikada sunta ku jirta waa 5 ilaa 80 keloton oo nuckleer ah, masaafada uu jari karo ama gaari karo waa 300 ilaa 1000 km, waxay xuutiyiintu sheegteen 6dii bishii labaad sanadkaan inay ku dukheeyeen xero ciidan oo kutaal magalada AlMAZAHIMIYA oo Jidda  u jirta 40km, hadaba magaalooyinka yemen ay ka taliyaan xuutiyiintu waxay masaafo udhaxaysa 533km ilaa 700km ujiraan BERBERA somaliland, taas oo aan shaki kujirin inay qumaati udukhayn karaan geeska africa,

     

    waxaa muuqata in somaliland u aragtay dan caam iyo khaas u ah iyo guulwayn saldhigaas ay maal gashigaga ku badalatay balse ma muuqato in la miisaamay khatarta iyo cawaaqibka ka dhalan kara hadii BERBERA lagaga duulo xuutiyiinta taas oo ah khatar aan lahurayn inay imaan karto burbur nafeed, maaliyadeed iyo deegaanba, waxaan kusoo koobayaa bayd aanan hayn abdwaankii lahaa  kaas oo udhignaa sidatan ” UDHUGYEELO QAYLA DHAANTA IYO KHATARTA SOOFOOL LEH”.

     

    waxaan ka cudur daaranayaa wixii khalad iga dhacay,

    waxaan masuul ka ahay qoraalkaan aan diyaariyey, looma sabaabyn karo mareegaha uu ku soo baxay.

    cidii tixraac iyo xaqiijin u baahan anay si toos ah wax iiga waydiin kartaa,

     

    qorre, ABDIWAHAB ABDI HASHI,

    E-MAIL RAASASAYR@GMAIL.COM

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.