Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kheyre oo ka qeyb galay Xaflada dhalashada Boqorada UK (Sawirro)
    Somalia

    Kheyre oo ka qeyb galay Xaflada dhalashada Boqorada UK (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay Xaflad loo sameeyay dhalashada Boqorada UK Queen Elizabeth oo 93 sano jirsatay.

    Munaasabadda ayaa ka dhacday xarunta Safaaradda Britain ku leedahay Xerada Xalane, waxaana lagu casuumay xubno ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka, Diblomaasiyiinta Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane iyo siyaasiyiin.

    Sidoo kale xubnihii ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow oo heysta dhalashada Britain, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Taliyihii hore NISA C/llaahi Sanbaloolshe iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka oo heysta dhalashada Britain.

    Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Ben Fender iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa madasha ka hadlay, iyagoo ku dheeraaday xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Britain.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.