Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kheyre oo war kasoo saaray doorashada QoorQoor
    Somalia

    Kheyre oo war kasoo saaray doorashada QoorQoor

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 2, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Dhuusamareeb.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada dhammaan deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.?

    “Waxaan dhammaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in rajada shacabka Galmudug ay tahay deegaan nabdoon oo horumarsan, qeybna ka qaata horumarka dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii wado dib-u-heshiisiinta.”

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed, amni iyo horumarineed ee ka jira dhammaan deegaannada Galmudug.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalintii Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulka Galmudug.

    Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Bulsahda reer Galmudug inay garab istaagaan maamulka cusub oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.