Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khilaafkii Deni iyo Axmed Madoobe oo ugu danbayn soo afjarmay
    Somalia

    Khilaafkii Deni iyo Axmed Madoobe oo ugu danbayn soo afjarmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 5, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sidda ay noo sheegeen ilo xog-ogaal ah, waxaa xal laga gaaray khilaaf sannado ka dhex jiray Madaxweynayaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaan.

    Khilaafka oo soo bilowday guuldaradii Siciid Deni ee doorashada Madaxweynaha DFS (May 2022), ayaa salka ku hayay kaddib markii Axmed Madoobe uu uga baxay ballankii siyaasadeed ee la xiriiray in uu ku dhiso kursiga Villa Somalia. Iyadoo bedelkeeda uu Madoobe dhisay Xassan Shiikh, qaatay kursiga Ra’iisul Wasaaraha.

    Maxay ku heshiiyeen Deni & Madoobe?

    Ergo u kala dabqaadaysay Siciid Deni iyo Madoobe ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay in labadoodu ka gaareen is afgarad ku dhisan dano siyaasadeed, kuwaas dhinac walba laga doonayo in dhanka kale siiyo taageero siyaasadeed iyo garab.

    Axmed Madoobe ayaa Raalli gelin ka bixiyay dhabarjebintii siyaasadeed ee uu u geystay Deni, oo 2019 ilaa 2022 dul-dhigay awood siyaasadeed oo uu kaga gudbiyay marxalado adag, ilaa Farmaajo iyo kooxdiisii Villa Somalia oo diiday aqoonsiga is doorashadii Madoobe ee Kismaayo ay aqoonsadeen lana fariisteen miiska Wadatashiga Qaran.

    Wuxuu ballanqaaday in si hagar la’aan ah uu u dhisi doono Deni, aysana dib u soo laaban doonin gowraca siyaasadeed ee soi jireenka ah ee Puntland iyo hoggaankeeda u geysto maalmaha adag ee siyaasadeed, laguna loollamayo go’aanada Qaran ee jihada dalku adi doono.

    Dhanka kale, Siciid Deni ayaa lagu qanciyay in uu garab u noqdo Madoobe, si looga gudbiyo loollanka kooxda Xassan Shiikh oo diidan aqoonsiga is doorashadiisii November 2024 iyo in uu tago Kismaayo kana qeybgalo caleema-saarkiisa, taas oo Axmed uga dhigan aqoonsi rasmi ah.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.