Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ku dhawaad 10-Alshabaab ah oo dukhayn lagu dilay
    Somalia

    Ku dhawaad 10-Alshabaab ah oo dukhayn lagu dilay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 9, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hawlgalka milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in kadib markii ay codsi ka heleen dawladda Soomaaliya ay saddex duqaymood oo is difaacadid ah la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabab.

    Duqaymahan ayaa dhacay xalay, waxayna ka dhaceen meel fog oo u dhow degmada Afmadow, qiyaas ahaanna 105km dhinaca waqooyi ka xigta Kismaayo.

    AFRICOM ayaa sheegtay in hawlgalkan lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay dagaal la galeen al-Shabaab.

    AFRICOM ayaa sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lagu qiimeeyey in hawlgalkan lagu dilay 10 ka tirsan al-Shabaab, isla markaana aan dad rayid ah waxba kasoo gaarin.

    AFRICOM ayaa sheegtay inay sii wadi doonto qimaynta natiijada hawlgalkan, isla markaana bixin doonana faahfaahin dheeraad ah xilliga ku habboon.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.