Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta QM Ee Somaliya (UNSOM).
    Somalia

    Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta QM Ee Somaliya (UNSOM).

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres,ayaa ku dhawaaqay magacaabista Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Simbabwe in uu noqdo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Somaliya (UNSOM).

    Mr. Zenenga waxa uu baddelayaa Anita Kiki Gbeho oo dhalashadeedu aheyd dalka Ghana, taas oo Xoghayaha Guud ee QM uu ugu mahadceliyay shaqada daacadnimada ahayd ee ay ka qabatay Somaliya.

    Raisedon Zenenga hadda wuxuu ahaa Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020.

    Wuxuu waayo-aragnimo ka badan 30 sano u leeyahay Qamarada Midoobay, oo ay ka mid yihiin hawlgallada Qaramada Midoobay ee dalalka Laybeeriya (Liberia), Liibiya, Ciraaq-Kuweyt, Siiraliyoon(Sierra Leone) iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.