Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kulamo la isugu soo dhaweynayo DF Iyo Jubbaland oo ka socda Kismaayo (Sawirro)
    Somalia

    Kulamo la isugu soo dhaweynayo DF Iyo Jubbaland oo ka socda Kismaayo (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 10, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KISMAAYO (IDIL NEWS)-Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland.

    Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta wada shaqaynta wasaaradaha Jubaland iyo wasaaradaha federaalka si loo fududeeyo loona daadejiyo howlaha dawladda ee lagu dhaqan geliyo halbeegyada tubaha qaranka.

    Shirka ay yeesheen xoghaye Axmed Nuur iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland ayaa sidoo kale aad loogu falanqeeyay isku tashiga, qorshaynta iyo curinta howlaha danta qaranku ku jirto ee loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed iyo in laga fogaado in lagu dhaqmo qorshooyin aan ka tarjumayn danta mawaadiniinta, ayna soo dejiyeen dad aan Soomaali ahayn.

    Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal barwaaqo ah, hadii la isku tashado oo si wadajir ah dadaal badan loo sameeyana laga baxayo faqriga iyo gaajada dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

    Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa billaawday in tubaha qaranka ee afarta ah ay u daadejiso heer dawlad gobaleed si ay u qaataan dawrkooda ku aadan dhaqan gelinta halbeegyada iyo howlaha tubaha, loogana dhabeeyo himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.