Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kulanka Wadajirka ah Labada Gole Ee Baarlamaanka Fadaraalka oo qabsoomay
    Somalia

    Kulanka Wadajirka ah Labada Gole Ee Baarlamaanka Fadaraalka oo qabsoomay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 28, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Maarso 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 30aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada gole.

    Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad, qeybinta nuqulka kama dambeysta ah ee soojeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka (Cutubka 1-aad ilaa iyo 4-aad) iyo warbxinta Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Dastuurka.

    Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal Xil. Xuseen Iidoow, oo Xildhibaannada hortooda ka aqriyay warbxinta 1-aad ilaa iyo 4-aad, isagoona sheegay in Xildhibaannada loo qeeybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

    Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Mudane Burhaan Aadan Cumar, ayaa soo bandhigay hadal qoraallada ay diiwaan geliyeen kuwaas oo ahaa soo jeedimaha Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in nuqulada maanta loo qeybiyay Xildhibaannada iyo Sanatarrada in ay soo akhriyaan, waxaana uu Guddoomiyuhu tilmaamay in Xildhibaanada soo xaadiraan kulamada ka dhiman kalfadhigaan.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.