Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kulaylka daran Ee Sacuudiga oo galaaftay Nolosha Xujay badan
    Somalia

    Kulaylka daran Ee Sacuudiga oo galaaftay Nolosha Xujay badan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 5, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqortooyada Sacuudi Carabiya,ayaa Talaadadii sheegtay in xujeydu ay filan karaan heer kul daran oo gaaraya 44 darajo Celsius (111 Fahrenheit), inta lagu guda jiro xilliga Xajka.

    Madaxa Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada, Ayman Gholam, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri, “Cimilada la filayo ee Xajka ee sanadkan waxay ka markhaati kacaysaa kororka heerkulka celceliska hal iyo bar ilaa laba darajo oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Maka iyo Madiina. ”

    Waxa uu intaa ku daray in saadaashu ay tilmaamayso “uumiga huurka uu yahay 25%, halka aysan jirin heerarka roobabka la filayay.”

    Sannadkii hore, in ka badan 2,000 oo qof ayay lasoo deristay daal kuleyl ah, sida ay ogaadeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, kaddib markii heerkulku uu gaaray 48 darajo Celsius (118 darajo Fahrenheit).

    Ugu yaraan 240 qof oo qaar badan oo ka mid ah ay ka yimaadeen Indonesia – ayaa dhintay intii lagu jiray gudashada waajibaadka xajka, sida laga soo xigtay tirooyinka ay shaaciyeen dalal kala duwan oo aan sheegin sababaha dhimashada.

    Sacuudi Carabiya dhinaceeda ma aysan bixin tirakoobka dhimashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.