Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kumuu Maxamuud “Gurey” Cilmi Sarmaan [1899-1983] ahaa?
    Somalia

    Kumuu Maxamuud “Gurey” Cilmi Sarmaan [1899-1983] ahaa?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 23, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jimce, 23kii Sebtembar 1983kii, waxaa magaalada Addis-Ababa, caasimadda dalka Itoobiya, ku geeriyooday, Eebbe haw naxariistee, Max’ud ”Gurey” Cilmi Sarmaan. Afartan sannadood ayaa ka soo wareegatay kolkii haldoorkaa Soomaaliyeed uu go’ay.

    Nabaddoon caan ka ah geyiga Soomaalidu degto, gaar ahaan gobollada Puntland iyo Kililka Shanaad ee Itoobiya, ayuu ahaa. Halgamaa danaha guud ee dadweynaha dega deegaankuu ku noolaa ayuu ahaa. Codkar (eloquent orator) ayuu ahaa. Wuxuu ahaa dagaalyahan (warrior) leh hammi iyo itaal xoog badan (great vigor and strength).

    Max’ud “Gurey” wuxuu ahaa qof dadku u wada simanyihiin, eexda aqoonnin oo si caddaaladi ku dheehantahay wixii ummadda dhex mara ugu kala garnaqa. Wuxuu had iyo goor qaadan jirey go’aammo duudsiga iyo dulmiga ka fog. Qof caaddil ah (impartial person) ayuu ahaa. Nin heybad, sharaf iyo karaamo Eebbe uu siiyey buu ahaa. Nin dadka deegaanka deggen ku kalsoonyihiin buu ahaa. Wuxuu ahaa deeqsi aad u gacan furan. Nin kaftan iyo xifaalo badan oo hadalka kiisa munaasibka ah heli og ayuu ahaa.

    Max’ud ”Gurey” wuxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid oo ka tirsan deegaanka Soomaalidu degto ee Itoobiya, sannadku markuu ahaa 1899kii. Wuxuu ku barbaaray isla deegaankaa iyo Gobolka Mudug. Kow iyo toban wiil ayaa Max’ud ”Gurey” la dhashay. Waxaase laba iyo tobankoodii ka hanaqaaday isaga iyo Yuusuf-Barre Cilmi Sarmaan. Isagoo kuray yar oo da’diisa lagu qiyaasayay 14-15jir ayuu Saldanaddii Suldaan Cali Yuusuf ee Hobyo xarunteeda ahayd ku biirey. Kolkii ay isku dhaceen Soomaalidii halkaa joogtay iyo gumeystihii Talyaaniga, Max’ud ”Gurey” wuxuu ka mid noqday raggii sida xoogga leh isticmaarkii uga horyimid. Wuxuu ka mid noqday nimankii Fallaagada la magacbaxay.

    Sida taariikhda lagu hayo kolkii Dhamme (Captain) Franco Carolei ee Soomaalidu u tiqiin ”Daldalool”, 1925kii, lagu diley magaalada Ceelbuur, ayaa Max’ud ”Gurey” iyo raggii Soomaalida ahaa ee la socday halkaa ka baxsadeen oo ay galeen Itoobiya. Waxaa dabajoogay oo raacdo ku ahaa ciidammo gumeystihii Talyaanigu watay. Max’ud ”Gurey” iyo raggiisii markii Qorraxay ay gaadheen ayaa ciidankii Talyaanigu watay soo gaadheen. Ciidammadii Fallaagada ahaa iyo ciidammadii Talyaanigu watay oo ay Soomaali la socoto ayaa dagaal foodda isdaray. Halkaa waxaa ku dhaawacmay oo saddex xabbadood gacanta bidix kaga dhacday Max’ud ”Gurey”. Dabadeed waxaa dhacday in culays fara badan uu Talyaanigu saaray ciidankii Fallaagada ahaa. Kama dambeeyntiina waa ay jabeen. Kolkii dagaalkii dhammaaday, Max’ud ”Gurey” oo kolkaa dhaawac ah, ayaa dhanka Ciid iyo Mudug u soo wareegey. Halkaa ayuu oday ka noqday.

    Xilliyadii kala dudduwanaa ee uu Mudug iyo Ciid joogay, ha noqoto waqtiyadii Talyaaniga ama Ingiriiska ay maammulayeen wuxuu ka mid ahaa raggii doorka wanaagsan ka qaatay nabadeeynta tolweynaha Soomaaliyeed ee Mudug dega. Wuxuu xubin firfircoon ka ahaa ururkii gobannimadoonka SYL.

    Max’ud ”Gurey” iyo taliskii ciidammada ee Max’d Siyaad Barre wax badan ayay iska horyimaadeen. Dhowr jeer ayuu arrintaa xabsi ku galay. Dhowr mar ayay fool-ka-fool Siyaad Barre u kulmeen oo isku afgaranwaayeen talada dalka. Wuxuu ahaa nin si buuxda uga horyimid xukunkii kelitaliyennimada ahaa ee 1969-1991kii.

    Kolkii uu u adkeeysanwaayay taliskii Max’d Siyaad ayuu Max’ud ”Gurey” 1983kii ku soo biirey halgankii JDBS (SSDF). Muddo gaaban kaddib, Max’ud ”Gurey” Cilmi Sarmaan, Eebbe haw naxariistee, wuxuu ku xijaabtay cisbitaal (Balcha Hospital) Addis Ababa ku yaalla.

    Waxaa xusid mudan, intuu Max’ud Gurey Balcha Hospital ku jirey, dhakhtarro Ruush ah ayaa si xoog leh ula tacaalay teer intii aanu geeriyoonnin. Waxaa si hagar la’aan tarjumadda afka Ruushka ka caawiyey, Eebbe haw naxariistee, Yaasiin Max’ud Mire. Cabdiweli Max’ud Gurey iyo aniga ayaa habeennadii gaadh ka ahaan jirney.

    Qore: Max’d Cali Xasan ”Alto”
    Helsinki, 23.09.2023
    hassanalto@yandex.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.