Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kuuriyada Koonfureed oo ciidan cusub u soo direysa Xeebaha Soomaaliya
    Somalia

    Kuuriyada Koonfureed oo ciidan cusub u soo direysa Xeebaha Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysa in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap.

    Wakaaladda ayaa ka soo werisay saraakiisha Ciidamada badda Kuuriyada Koonfureed in ciidanka dheeriga ah lagu xoojinayo hawlgalka laโ€™dagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya islamarkaana ay halkaasi joogi doonaan mudda lix bilood ah oo ka bilaabmata bisha September ee sannadkan 2019.

    Guutada 30-aad ayey u qorsheesay inay ka tagto magaalada dekedaha Koonfureed ee Busan dhaca goor dambe oo maalinta ah si ay qeyb kaga noqdaan hawllo lagula dagaalamayo burcad badeedka, sida ay sheegeen ciidamada badda.

    Ciidamo khaas ah, Marines iyo Duuliyeyaasha Ciidamada Badda, ayaa qeyb ka ah kuwa lagu in ay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan maraakiibta Kuuriyada Koonfureed ee xeebaha Soomaaliya sidoo kalana ay taageero u siiyaan maraakiibta kale ee ku sugan biyaha dhow.

    Gacanka Xurmuz ayey sidoo kale ka howlgali doonaan halkaas oo Mareykanku ugu yeerayo xulafadiisa inay abuuraan isbahaysi ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada militari ee Iran iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Washington iyo Teheran.

    In kasta Seoul ay sheegtay inaysan helin wax codsi rasmi ah oo Mareykanka kaga yimid oo ku saabsan arrintan, haddana Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xorriyadda marinka ee gobolka wuxuuna ku baaqay taageero caalami ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.