Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kuuriyada waqooyi oo ku guuldaraystay tijaabo gantaal
    Somalia

    Kuuriyada waqooyi oo ku guuldaraystay tijaabo gantaal

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 22, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka iyo Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in tijaabo gantaal oo ay sameysay Korea-da Waqooyi ay fashil ku dhammaatay.

    Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Mareykanka ee Pacific-ga ayaa sheegay inay u muuqatay in ganataalka uu qarxay dhowr ilbiriqsi kadib markii laga tuuray jasiiradda Kalma, ee ku taalla qeybta bari ee dalkaas.

    Milatariga Korea-da Koonfureed ayaa iyaguna sheegay in bilowgii tijaabada ay u muuqata mid aan caadi ahayn.

    Labada dalba ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan nooca gantaal ee la tijaabiyey, waxaana labaduba ay sheegeen in weli ay wadaan inay taxliiliyaan wixii dhacay.

    Horaantii bishan, korea-da waqooyi waxay tijaabisay afar gantaal oo nooca kuwa la hago ah, kuwaasi oo ay ku riday meel ka baxsan xeebta Japan, ayada oo kaga jawaabeysa dhoolatusyada milatari ee Mareykanka iyo Korea-da Koonfureed oo ay Korea-da Waqooyi u aragtay isu diyaarin dagaal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.