Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kullan la qaatey Hayโadaha ka howlgala deganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kullanka waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro ,Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Baay, duqa Magaalada Baydhabo, Guddoomiyaha Gobolka shabeellaha hoose iyo Masโuuliyiinta hayโadaha ka howlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Mohamed(lafta-gareen) ayaa uga mahadceliyay hayโadaha dadaalada ay wadaan,waxaana uu ku amrey in Gargaarka ay gaarsiyaan degmooyinka Iyo deeganada Koofur Galbeed Soomaaliya Inteeda kale,isla markaana aysan ku ekaanin kaliya Magalada Baydhabo.

