Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Libaax iyo Dawaco [Sheeko Gaaban].WQ.Maxamed Xasan ”Alto”
    Somalia

    Libaax iyo Dawaco [Sheeko Gaaban].WQ.Maxamed Xasan ”Alto”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Libaax iyo Dawaco [Sheeko Gaaban]

    Waa waayada ka mid ah, waxaa aagga Sarrinley ee Degmada Baardheere ku noolaa libaax la magacbaxay Qabweyne. Wuxuu ahaa nafleey aad u naxariisdaran. Wax allaale iyo wixii ka horyimaada cagta ayuu marin jirey oo waa dili jirey. Wuxuu dalandooli jirey oo uu isaga kala gooshi jirey miyiga Gedo oo dhan. Duurjoogta halkaa joogta oo idil waa ka wada biqi jireen. Dabjoogta iyo dadkii dhaqanayay wuu xasuuqi jirey.

    Dawaco Caglibbadan la yidhaahdo ayaa ka xanaaqday oo u dulqaadanwayday waxa Qabweyne uu falayo. Khiddad ayay u aloostay oo ku doonaysay siday uga takhalusi lahayd.

    Maalin maalmaha ka mid ah Caqlibbadan ayaa Qabweyne u timid oo hallaasi, sheeko iyo ammaan u saartay. Waxay ku tidhi: ”Cidna ma inkiro karto Eebbe awoodda uu ku siiyey. Waxaad tahay caaqil naxariis badan. Waxaad leedahay dhammaan tayada iyo tilmaamaha taliyennimada. Xoolihii dhammaantood, hadday ahaan lahaayeen duurjoog ama dabjoogba, waxay maanta diyaar u yihiin in ay ku caleemasaaraan oo aad boqor u noqotid. Farriintaas ayaan maanta raaciyaddaadii kaaga sidaa. Fadlan, iga guddoon!”

     

    Qabweyne wuu kala batay. Waa maleeysan kariwaayay waxa uu goor dhoweeyd Caqlibbadan ka maqlay. Wuu is-qaadqaaday, tarfiic isu yeelyeeley oo kala batay. Gafuurkiisii intuu kor u taagay ayuu yidhi: ”Miyuu jiraa qof ila garaad ah? Jawaabtu waa maya. Miyuu jiraa qof lay garabdhigi karo? Jawaabtu waa maya! Miyey jirtaa cid aniga i xoog iyo lixaad le’eg? Jawaabtu waa maya! Miyuu jiraa hoggaamiye aniga iga wanaagsan. Jawaabtu waa maya. Haddaba waxaan idhaahdo ayaa soconaya, waxaan doono ayaan sameeynayaa. Cid juuq iyo jaaq odhan karta ma jirto.”

    ”Boqoroow, waa sidaad sheegtaye. Ma jirto cid xukunkaaga iyo awooddaada haweeysan karta,” ayay Caqlibbadan tidhi. ”Hayeeshee, waxaa imminka ku sugaya oo Sarrinley kugu dhawraya dhammaan xoolihii Gedo ku noolaa laga soo billaabo miyiga Faafaxdhuun, Ceelwaaq, Garbaharrey, Baardheere ilaa iyo Buulo-Xaawo. Waxay diyaar u yihiin inay ku caleemasaaraan, taashkii boqortooyada duurjoogta iyo dabjoogta kugu xidhaan. Aniga ayay ii soo xilsaarteen in aan ku kaxeeyo oo barta ay joogaan ku dulgeeyo. Codsigaa, fadlan iga oggolow!”

    Waxay Caqlibbadan sii raacisey, ”indhaha ayaan kaa duubayaa oo hoggaan baan kugu xidhayaa, dabadeed bartii xooluhu joogeen baan ku geeynayaa.”

     

    Qabweyne, runtii arrinkaa aad buu ugu guuxay oo ugu farxay. Saldanad iyo xukun ayuu waligii si xoog leh u jeclaa. Taladii Caqlibbadan wuu oggolaaday.

    Caqlibbadan indhaha ayay Qabweyne ka duubtay oo hoggaan surka uga xidhey. Cabbaar goortay la socotay ayay ceel weyn uga tallaabsatay. Qabweyne halkii ayuu ku dhacay oo ku nafwaayay.

    Waa tii hore loo yidhi: Amarkutaagleeye kasta aafo ayuu ku dambeeyaa.

    Maxamed Xasan ”Alto”

    Helsinki, Finland, 09.12.2016

    xasan_maxamed@hotmail.com

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐢𝐢𝐥 oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.