Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Lix Gobol oo kamid ah Gobolada Maraykanka oo ka soo Horjeestay Amarka Trump
    Somalia

    Lix Gobol oo kamid ah Gobolada Maraykanka oo ka soo Horjeestay Amarka Trump

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 10, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Lix gobol oo ka tirsan gobollada Mareykanka ayaa sheegay inay halgan sharci ah u geli doonaan sidi ay u joojin lahaayeen amarka labaad ee uu madaxweyne Donald Trump uga mamnuucay inay dalkan Mareykanka soo galaan muwaadiniinta lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka.

    Gobolka Hawaii ayaa noqday kii ugu horeeyey ee dacwad ka gudbiya amarka Trump Arbacadi. Qareenada Hawaii ayaa ku dooday in amarka uu dhaawacayo muslimiinta ku nool gobolkan ku yaalla badweynta Pacific-ga.

    Shan gobol oo kale oo ay ka mid yihin Washington, Oregon, Minnesota, New York, iyo Massachusetts ayaa Khamiistii ku biiray dacwadda, waxanaa lagu wadaa inay maxkamad federaali ah u gudbiyaan toddobaadka soo socda.

    Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Washington, Bob Ferguson ayaa sheegay in amarka cusub ee madaxweyne Trumo uu yahay mid kooban marka loo fiiriyo kii hore, balse aysan taasi micnaheedu aheyn inuu daweeyey dhibaatooyinka dastuuriga.

    Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dacwada lixdan gobol ay tahay mid adag oo sharci ah.

    Amarakii koowaad ee madaxweyne Trump ayaa waxaa joojiyey garsoore federal ah oo ku sugan magaalada Seattle ee gobolka Washington, markii ay sharciga la tiigsadeen gobollada Washington iyo Minnesota.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.