Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»M.Xigeenka Kenya Oo Mooshin laga keenay
    Somalia

    M.Xigeenka Kenya Oo Mooshin laga keenay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 1, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay gudbiyaan mooshin ku saabsan xil ka qaadis la doonayo in lagu sameeyo madaxweyne ku xiigeenka dalka, Rigathi Gachagua

    Hogamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kikuyu, Kimani Ichung’wah, ayaa xaqiijiyay in moshinka ka dhanka ah Gachagua la hor geyn doono baarlamaanka xiliyada duhurada manta.

    Si mooshinka u dhaqan galo, waxaa loo baahanyahay taageerada 233 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka, waxaana jira warar sheegaya in durbaba 302 xildhibaan ay saxiixeen.

    Madaxweyne ku xiigeenka ayaa lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobka 10-aad ee dastuurka dalka oo la sheegay inay horseedi karo kicin iyo nacayb bulsho.

    Waxaa sidoo kale lagu eedeyay inuu jabiyay qoobada kala ah 147, 148, 174, 186 iyo 189 ee dastuurka oo ka hadlaya dhaqanka iyo mas’uuliyaddiisa ka madaxweyne ku xiigeen ahaan.

    Waxaa uu sidoo kale iska difaaci doonaa eedeymo loo soo jeediyay oo la xirriira musuq maasuq iyo inuu si khaldan u adeegsaday lacagta canshuur bixiyeyaasha.

    Xigasho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.