Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»M.xigeenkii xilka laga qaaday Ee Kenya oo Eedeeyay MW Ruto
    Somalia

    M.xigeenkii xilka laga qaaday Ee Kenya oo Eedeeyay MW Ruto

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 20, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya,ayaa ku andacoonaya in “Ruto uusan wax niyad ah u laheyn in uu ila shaqeeyo”, waxa uu rabay oo kaliya in uu aniga ii adeegsado si aan doorashada uu ugu guuleysto”, ayuu u sheegay warbaahinta.

    Gachagua ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ka soo baxayay Isbitaalka Karen oo lagu daweynayay maalmihii u dambeeyay.

    Rigathi Gachagua ayaa sii waday sheegashada in ay jiraan dad isku dayay in ay dilaan isaga oo sida uu sheegay loo sumeeyay cuntadiisa laba jeer.

    “Markii ugu horeysay, waa inaan idhaahdaa 30-kii August, magaalada Kisumu, ilaalo sir ah ayaa qolkeyga Kisumu soo galay, waxayna xoog ku galeen mid ka mid ah ayaa isku dayay inuu sumeeyo cunnadayda, laakiin waan ogaanay, waxaana awoodnay inaan ka hortagno qorshahaas.” ayuu yiri Gachagua.

    “Waxay la rabay in laygu dilo suntan, bishii Sebtembar deegaanka Nyeri, koox kale ayaa timid oo isku dayay inay sumeeyaan cuntadii ay iigu talagaleen golaha odayaasha ee Kikuyu.”

    Rigathi Gachagua oo sii waday eedeymaha uu u jeedinayo madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Ruto uu ku gacan seyray heshiiskii ay wada galeen ka hor inta aysan xukunka qaban sanadka 2022-ka.

    Gachagua ayaa intaa ku daray in uu shaqada ka ceyriyay qaar ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee xafiiskiisa sababo ammaan darteed.

    Sida laga soo xigtay Gachagua, qof uu isaga aaminay ayaa ku sameeyay xaalad adag sanad ka hor.

    “Sannadkii la soo dhaafay, aad buu iigu dhib badnaa, laakiin waxaan ahay qof dulqaad badan, runtii dulqaad badan, wixii dhacay Khamiistii waxay ahayd dhammaadka sannad silica iyo walbahaar lahaa.” ayuu intaa ku daray.

    Gachagua ayaasidoo kale ku andacooday in tan iyo markii Khamiistii la dhigay cusbitaalka Karen, dad ku dhow dhow madaxweynaha oo aanu magacaabin ay soo wacayeen isbataalka si ay u ogaadaan in xaaladdiisa caafimaad ay ka dartay iyo in kale.

    “Waxaan maqlay qaar badan oo dadkiisa ka mid ah oo halkan (cisbitaalka) soo wacay iyagoo weydiinaya haddii aan dhintay, haddii aan badbaaday, haddii aan bogsanayo, way dabaaldegayeen,” Gachagua ayaa sidaasi u sheegay saxafiyiinta markii uu ka baxayay isbitaalka.

    “Ruto ayaa mas’uul ka noqon doona wax kasta oo igu dhaca,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua.

    Waxa uu isbarbar dhigay ‘dhibaatooyinkii’ loo geystay Kenneth Matiba intii uu xilka hayay maamulkii madaxweynihii hore ee Daniel Moi.

    “Markaan fiiriyo, malaha waa in taariikhda dib u milicsanaa, Madaxweyne William Ruto wuxuu rabay inuu i marayo waddadii Madaxweyne Moi uu mariyay Matiba, wuxuu ku riixay Matiba ilaa uu ku dhacay istaroog wuuna dhintay, markaan eego waxa uu madaxweynuhu igu sameeyay, gaar ahaan hadda oo aan cisbitaalka ku jiro, oo i niyad-jabsan, oo aan ula dhaqmayo sidii xayawaan oo kale, ayuu yiri.

    Arrintan ayaa ku soo beegantay maalmo kadib markii Golaha Shacabka Kenya ay u codeeyeen in xilka laga xayuubiyo, islamarkana mooshinka laga gudbiyay aqalka Sanetka.

    Senatarrada ayaa u codeeyay in ay taageeraan ugu yaraan shan ka mid ah kow iyo tobankii eedeymaha ee lagu soo oogay Gachagua.

    Mooshinka xil ka qaadista ayaa waxaa horgeeyay aqlaka xildhibaanka laga soo doorto galbeedka Kibwezi Mwengi Mutuse.

    281 mudane ayaa u codeeyay in xilka laga qaado 44 mudane-na way kasoo horjeestay mooshinka.

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.