Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhab baa in Al-Shabaab ay 18 xubnood ka heleen Baarlamaanka Galmudug ? (Warbixin)
    Somalia

    Ma dhab baa in Al-Shabaab ay 18 xubnood ka heleen Baarlamaanka Galmudug ? (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    18 xildhibaan oo kamid ah barlamaanka cusub ee Galmudug  ayaa lagu sheegay inay daacad u yihiin kooxda Al-shabaab, sida uu qoray wargeyska Hor Observer.

    Sida uu wargeysku kasoo xigtay ilo xog-ogaal ah, kooxda Al-shabaab ah aya si adag waxay ugu ololeeyeen in xildhibaannadaan lagusoo daro baarlamaanka Galmudug.

    “Haddii aan xitaa ogaan lahayn, ma joojin karno. Dowladda Federaalka waxba kama qaban karto xilligan xasaasiga ah ee doorashada,” ayuu yidhi odey dhaqameed magaciisa qariyay oo u waramay  Hor Observer.

    Ujeedadda Al-shabaab ku doonayso inay saameyn ugu yeelato barlamaanka Galmudug, ayaa ah, iyagoo raba in ay helaan hoggaamiye daacad u ah awaamiirtooda. ”

    Warbixintu waxay sheegaysaa in odayaasha qabaa’ilka la ogeysiiyay in qof Alshabab ka socda ay fadhiisiyaan kursiga barlamaanka ayna iska iloobaan tartamayaasha kale.

    “Qofna ma diidi karo tilmaamaha al-Shabaab. Al-Shabaab meel walba waa joogtaa. Haddii aad addeecin weydo, subaxa xigga waa lagu soo tooganayaa,” ayuu odaygu u sheegay Horn Observer.

    Mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee Galmudug ayaa u sheegay wariye ka tirsan wargayska Horn Observer in uu ogyahay in ururka Ahlsunna Waljameeca ay ka cawdeen 18 xubnood oo al-Shabaab ah oo soo galay baarlamaanka Galmudug. laakiin wuxuu sheegay in tani qof kasta uu iska dhaga tiray.

    Wuxuu sheegay in al-Shabaab ay sidoo kale si adag uga shaqeynayaan taageerida qaar ka mid ah tartamayaasha madaxweynaha.

    Xildhibaanka ayaa u sheegay wargeyskaa in ay iska caddahay in al-Shabaab ay saameyn ku leeyihiin baarlamaanka cusub ayna  leeyihiin ra’yi ku saabsan doorashada.

    Warbixintaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalin kahor hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya ee NISA ay soo bandhigtay fanaan katirsanaa bahda fanka gobolka Banaadir islamarkaana u shaqeynayay kooxda Al-shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.