Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhab baa in Gen. Asad Diyaano uu waddo Olale ka dhan ah Madaxweynaha Puntland ?+XOG
    Somalia

    Ma dhab baa in Gen. Asad Diyaano uu waddo Olale ka dhan ah Madaxweynaha Puntland ?+XOG

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maalmihii ugu dambeeyay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay inuu socdo mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo ay dabada ka riixayaan mid kamid ah Musharixiintii sida weyn ay ugu loolameen Doorashadii 8-Janaayo ka dhacday Garoowe iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    Shabakadda Idil News, oo wadday muddooyinkii ugu dambeeyay baaris ku aadan wararkaas ayaa la xariirtay dhinacyada Madaxtooyadda iyo Gen. Asad Cismaan Diyaano oo ah shaqsiga la sheegay inuu waddo olalaha ka dhanka ah Madaxweyne Deni.

    Gen. Asad Cismaan ayaa been abuur ku tilmaamay warar lala dhex-marayo Baraha Bulshada iyo Sawirada la faafiyay ee lagu sheegay inuu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

    “Waan arkayay warar aan salka iyo raadka laheyn ee lagu faafinayo baraha bulshada Madaxweynahana waxaa uu ku yimid Guul Doorasho, mana ihi ruux lagu tuhmi karro in Puntland Dowladnimadeeda uu dhaawacayo, sidoo kalena waa sawirro hore kuwa lagu faafinayo baraha Bulshada anna waxaan ku sugnahay degaanka” ayuu yiri Gen. Asad Diyaano.

    Madaxtooyadda Puntland oo aan wax ka weydiinay wararka lala dhex marayo baraha bulshada, ayaa sheegtay in aysan jirin wax dareen ah oo ku aadan olalaha la sheegay inuu ka dhan yahay Madaxweynaha, waxaana ay carabka ku adkeysay in wararkaas ay yihiin kuwo riyo ah, lana doonayo in Bulshada lagu jahwareeriyo, lagana soo waariday dhanka Muqdisho.

    Si kastaba ha ahaatee, Wararkan been abuurka ah ee lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa abuuray su’aalo badan, kuwaas oo ay ugu horeeyaan sababta ka dambeyn karta in Baarlamaanka Puntland uu Mooshin ka keeno Madaxweyne Deni ?, maadama Guulo wax ku ool ah ay gaartay Xukuumadiisu mudada 9 bilood ah ee ay jirtay, sida Tayaynta iyo Tirakoobka Ciidanka, Dardar-gelinta Hormarinta kabayaasha dhaqaalaha, Qabashada Shirkii Maal-gashiga Puntland, Xaqiijinta amniga Boosaaso, soo dabista iyo ka hir-gelinta Hanaanka Dowliga ah Degaanada Gobalka Sanaag.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.