Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhab baa in Gen. Asad Diyaano uu waddo Olale ka dhan ah Madaxweynaha Puntland ?+XOG
    Somalia

    Ma dhab baa in Gen. Asad Diyaano uu waddo Olale ka dhan ah Madaxweynaha Puntland ?+XOG

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maalmihii ugu dambeeyay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay inuu socdo mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo ay dabada ka riixayaan mid kamid ah Musharixiintii sida weyn ay ugu loolameen Doorashadii 8-Janaayo ka dhacday Garoowe iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    Shabakadda Idil News, oo wadday muddooyinkii ugu dambeeyay baaris ku aadan wararkaas ayaa la xariirtay dhinacyada Madaxtooyadda iyo Gen. Asad Cismaan Diyaano oo ah shaqsiga la sheegay inuu waddo olalaha ka dhanka ah Madaxweyne Deni.

    Gen. Asad Cismaan ayaa been abuur ku tilmaamay warar lala dhex-marayo Baraha Bulshada iyo Sawirada la faafiyay ee lagu sheegay inuu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

    โ€œWaan arkayay warar aan salka iyo raadka laheyn ee lagu faafinayo baraha bulshada Madaxweynahana waxaa uu ku yimid Guul Doorasho, mana ihi ruux lagu tuhmi karro in Puntland Dowladnimadeeda uu dhaawacayo, sidoo kalena waa sawirro hore kuwa lagu faafinayo baraha Bulshada anna waxaan ku sugnahay degaankaโ€ ayuu yiri Gen. Asad Diyaano.

    Madaxtooyadda Puntland oo aan wax ka weydiinay wararka lala dhex marayo baraha bulshada, ayaa sheegtay in aysan jirin wax dareen ah oo ku aadan olalaha la sheegay inuu ka dhan yahay Madaxweynaha, waxaana ay carabka ku adkeysay in wararkaas ay yihiin kuwo riyo ah, lana doonayo in Bulshada lagu jahwareeriyo, lagana soo waariday dhanka Muqdisho.

    Si kastaba ha ahaatee, Wararkan been abuurka ah ee lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa abuuray suโ€™aalo badan, kuwaas oo ay ugu horeeyaan sababta ka dambeyn karta in Baarlamaanka Puntland uu Mooshin ka keeno Madaxweyne Deni ?, maadama Guulo wax ku ool ah ay gaartay Xukuumadiisu mudada 9 bilood ah ee ay jirtay, sida Tayaynta iyo Tirakoobka Ciidanka, Dardar-gelinta Hormarinta kabayaasha dhaqaalaha, Qabashada Shirkii Maal-gashiga Puntland, Xaqiijinta amniga Boosaaso, soo dabista iyo ka hir-gelinta Hanaanka Dowliga ah Degaanada Gobalka Sanaag.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.