Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhab baa inuu xiriir jaceyl ka dhexeeyo Mohammed Bin Salman iyo Lindsay Lohan ?+Warbixin
    Somalia

    Ma dhab baa inuu xiriir jaceyl ka dhexeeyo Mohammed Bin Salman iyo Lindsay Lohan ?+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa sii xoogeysanaya warar ay werinayaan qaar ka ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in xiriir jaceyl oo qarsoodi ah uu ka dhexeeyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salaman iyo aktaradda Mareykanka ee Lindsay Lohan.

    Wargeyska Daily Beast ayaa weriyey in Bin Salman iyo Lohan ay aad isugu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa, islamarkaana uu caalamka oo idil ugu duulinayey diyaaraddiisa gaarka ah, islamarkaana ugu qubeynayey haddiyado.

    Haddiyadaha uu Bin Salman siiyey Lindsay ayaa waxaa ka mid ah credit card ay ku jirto lacag badan. Mar dad ku dhow Lindsay la weydiiyey waxa ka jira xiriirka waxay sheegeen in ayada iyo Bin Salman is-garanayaan, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka baxsan.

    Dad arrintan xog-ogaal u ah, kuna dhow Lindsay oo 33 jir ayaa sheegay inay si joogto ah isku weydaarsadaan farriin qoraaleedyo, balse waxay beeniyeen inuu siiyey haddiyad lacageed iyo inuu xiriir jaceyl ka dhaxeeyo midkoodna.

    Linday Lohan ayaa fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana dadka ku dhow ay sheegeen in la kulankeeda badan ee madaxda carabta ay mar kasta abuuri karto warar xan ah oo ku saabsan xiriiro jaceyl.

    Qof kale oo ayada ku dhow ayaa yiri “madaxa carabta marka ay arkaan way waashaan.”

    Xiriir lala sameeyey Maxamed Bin Salmaan iyo dad ku dhow waa ay diideen inay ka jawaabaan xiriirkan la tuhmayo, hase yeeshee waxay qireen in Lindsay ay marar badan Sacuudiga u timid sare u qaadiidda magaca boqortooyada iyo arrimo kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.