Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhabaa in Ra’isalwasaare khayre iscasilayo?
    Somalia

    Ma dhabaa in Ra’isalwasaare khayre iscasilayo?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 29, 2019Updated:April 29, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Idaacadaha magaalada Muqdisho qaarkood iyo baraha bulshada,ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga baahinayay war aan la xaqiijin oo sheegaya in Ra’isul Wasaare Kheyre u aqbalay in uu is casilo.

    Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo isdaba jooga qaatay.

    Xogaha soo baxaya,ayaa tilmaamaya in loo wado jagada RW Somaliya Laba Nin oo kasoo kala jeeda Beelaha Muqdisho iyo Mudug.

    Masuulka hore,ayaa ah Nin ganacsada ah oo hayb ahaan ay isku dhow yihiin Xasan Shiikh Madaxweynihii hore ee Somaliya degana dalka imaaraadka Carabta.

    Masuulkan loo wado Rw,ayaa xiriir wanaagsan la leh Dowlada Imaaraadka Carabta,taasoo Madaxweyne Farmaajo xiligan danaynayo.sida xoguhu sheegayaan.


    Masuulka labaad ee lahadal hayo in loo magacaabi doono jagada Ra’isalwasaaraha Somaliya,ayaa ah Madaxweynihii hore ee GALMUDUG Cabdikariin Guuleed,kaasoo ay dabada ka riixayaan qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee daneeya arimaha Somaliyasida xogta xaqiijinayso.


    Dhanka kale Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo kulamo isdaba jooga ahaa Nayrobi kula yeeshay wakiilada beesha caalamka,ayaa ugu danbayan ku guulaystay in dacwadoodii iyo aragtidoodii loosoo istaago lana go’aamiyo shir looga tashanayo xaalka Somaliya ee xiligan lagu qabto Garowe,kaasoo beesha caalmaka iyo guud ahaan madaxda Soamlida ay kasoo wada qaybgali doonaan.


    Shirkaas,ayaa guul siyaasadeed u ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Xisbiyada mucaaradka,waxuuna dhabar jab siyaasadeed ku yahay Madaxda Dowlada Dhexe oo 19-kii bishan dhamaadka ah ugu yeeray madaxda maamulada shir Amni Magaalada Muqdisho,kaasoo ay siak diideen.


    Sidoo kale Siyaasiyiin mucaarad ah oo dhawaan ku shiray Magaalada Nairobi,ayaa iyaguna Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu meesha ka saaro Ra’isul Wasaare Kheyre si dalka loo badbaadsho.

    Sidoo kale waxaa baaqday shir deg-deg ah oo ay iskugu imaan lahaayeen golaha wasiirada Fadaraalka,kaasoo qorshuhu uu ahaa in lagu ansixiyo hanaanka dooarsho ee 2021,balse digniin uga timid madaxda Dowlda Dhexe Beesha caalamka,ayaa lagu baajiyay,waxayna ilo lagu kalsoonaan karo noo axqiijiyeen in loo sheegay Farmaajo iyo Khayre in aan laga aqbali doonin qorshe iyaga ugaar ah oo aysan Somalidu wada qaadan.


    Farmaajo iyo Khayre oo labadii sano ee lasoo dhaafay ku soo wada shaqeeyay khilaaf la’aan.ayay markan xaalku ku adag yahay,waxaana culays xoog leh ku haya mucaaradad dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka imaanaysa.


    Ra’isalwasaare Khayre,ayaa lagu tilmaamaa Nin ad-adag oo hadalo qalafsan fursad badan oo uu wax ku qaban karayna dayacay,halka Madaxweyne Farmaajo ay Bulshadu u aragto Nin jilicsan oo aan saamayn badan ku lahayn hawlaha socda kaliya utaagan Madaxweyne maamuus ah.


    Lama saadaalin karo halka xaajadu caga dhigan doonto,isla markaana waxa kasoo bixi doona shirka Garowe iyo xogaha sheegaya in Khayre aqbalay iscasilaad.,

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.