Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maalin kale oo lagu kordhiyay Xabad joojinta Qasa
    Somalia

    Maalin kale oo lagu kordhiyay Xabad joojinta Qasa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 30, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Israel ayaa sheegtay inay oggolaatay in xabbad-joojinta Xamaas lagu kordhiyo ugu yaraan hal maalin oo kale, sida ay ciidamada difaaca Israa’iil ku sheegeen qoraal kusoo baxay bartooda X oo hore u aheyd twitter.

    “Iyadoo la eegayo dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu sii wadayo habka lagu sii daayo dadka la afduubay oo loo hoggaansamayo shuruudaha heshiiska, xabbad-joojintu way sii socon doontaa.” ayaa lagu yiri qoraalkan.

    Bayaanka ayaa soo baxay qiyaastii 15 daqiiqo kahor inta aysan dhammaan xabbad-joojintu.

    Israa’iil ayaa la sheegay in ay ku qanci wayday liiska la haystayaasha la sii dayn doono ee ay Xamaas soo jeedisay in la kordhiyo.

    Xamaas ayaa sheegtay in Israa’iil ay diiday dalabkii ay ku doonaysay in kusii deyn laheyd 7 haween iyo carruur ah iyo meydadka saddex kale oo ay sheegeen in lagu dilay duqeyn ay Israa’iil geysatay.

    Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 10-ka qof ee gacanteeda ku jira ay yihiin dumarka iyo carruurta kaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.