Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maamulka Gedo oo walaac ka muujiyey Ciidamada DFS ku Daad gureeysay Gobolkaas
    Somalia

    Maamulka Gedo oo walaac ka muujiyey Ciidamada DFS ku Daad gureeysay Gobolkaas

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020Updated:January 26, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi ayaa ka hadlay ciidamo ay dowladda Soomaaliya geysay degmooyin ka tirsan gobolkaas.

    Al-Qaadi oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo afduuban todobaadkii hore ay dowladdu ka dejisay degmada Baardheere, balse markii ay ka dagaalameen arinka ciidankaas lagu geeyey Baardheere loo qaaday dhanka degmada Luuq ee isla gobolka Gedo.

    Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in maanta ciidan kale oo tiro ahaan gaaraya 70 askari ay dowladdu ka dejisay degmada Luuq oo ay horay ugu sugnaayeen ciidankii ka socday dowladda federaalka ee laga soo celiyey Baardheere.

    Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa ka digay in dagaal uu ka dhaco gobolkaas, isagoo sheegay in dhankooda aysan diyaar u aheyn dagaal aan aheyn kan Shabaab ay kula jiraan.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in arinka ciidamada lagu geynayo gobolkaas ay gadaal ka riixayaan laba nin oo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya oo uu ku kala sheegay, Sakeriye iyo ina Kulone, isla markaana aysan madaxda dowladdu wax badan ka ogeyn falalka ay ragas ka wadaan gobolka, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo dadka ka hor keenaya dowladda.

    Dhinaca kale guddoomiye Al-qaadi ayaa sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya dowladda federaalka inay soo magacaawdo maamul gobol, maadaama uu dalka ka jiro nidaam federaal ah, dowlad goboleedna ay hoos tagaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.