Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maamulka Gobolka Mudug oo ka warbixiyay dhalinyaro la xiray
    Puntland

    Maamulka Gobolka Mudug oo ka warbixiyay dhalinyaro la xiray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 6, 2025Updated:June 6, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Galkacyo – Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Shiikh Cali Jifo-Jabsade, ayaa ka hadlay dhacdo dhalinyaro lagu xiray magaalada Galkacyo xilli ay faraha kula jireen fala amniga lid ku ah oo ay kula kacayeen amaanka dad kau cibaadaysanayay Garoonka Cawaale Stadium

    Dhalinyarada ayaa lagu qabtay xilli ay magaalada ku sameynayeen kacdoon aan fasax haysan, iyadoo isla waqtigaasna shacabka reer Galkacyo ay isugu soo baxayeen xuska munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

    Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in amniga magaalada uu yahay mudnaanta koowaad, islamarkaana aan la ogolaan doonin abaabul aan sharciyeysneyn oo carqaladeyn kara xasiloonida, waxuuna sheegay in xorriyadda hadalka iyo muwaadinnimada ay ku saleysan tahay sharci iyo kala dambeyn isagoo intaas ku daray in ciidamada ammaanku ay si waafaqsan sharciga u xireen dhalinyaradaas si looga hortago khal-khal amni.

    Gudoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, in ay codkooda ku muujiyaan si nabad ah oo waafaqsan nidaamka dowliga ah, iyagoo ka fogaanaya falal laga yaabo inay keeni karaan dhibaatooyin dheeraad ah.

    -DHAMMAAD-
    AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG,

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.