Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maamulka Jigjiga oo ka hadlay Koronta la’aanta Magaalada
    Somalia

    Maamulka Jigjiga oo ka hadlay Koronta la’aanta Magaalada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 23, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Jigjiga iyo qeybo badan oo ka mida magaalooyinka ku yaalla bariga dalka Itoobaaya ayaa maalintii shanaad koronta la’aan ay ka jirtaa taas oo saamayn ku keentay qaybaha kala duwan ee nolosha magaalooyinkaas.

    Maqnaansha korontoda ayaa timi ka dib markii xatooyo loo gaystay taawarada korontada gudbiya ee agagaarka magaalada Awash taas oo keentay koronto la’aanta Jigjiga sida uu BBC-da u sheegay Maayarka magaalada Jigjiga Eng Shaafi Axmed Macallin.

    “Guud ahaan dalka waxaa korontada laga helaa galbeedka iyo bartaha Itoobiya, waxaana soo qaada taawaro waaweyn, waxa dhacday xatooyo biraha layrka qaada loo gaystay, birahaas oo muddo dheer xatooyo loo geysanayo oo kolba biraha la furanyey qeybo ka mid ah ayaa waxaa keentay in roobabka hadda da’aya iyo dabayluhu ay dhacaan toddobo tiir oo waaweyn”ayuu yiri Shaafi.

    Wuxuu intaa ku daray in labo habeen ay isku dayeen in qaar ka mida Qabaleyada loo adeegsado koronto kale oo ah nooca dabaysha laga dhaliyo ee Cayshica basle aan lagu guulaysan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.