Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Machadka SIDRA oo warbixin been abuur ah ka diyaariyay Dhalinyarada Puntland iyo Doorka Al-shabaab!!!!!.
    Somalia

    Machadka SIDRA oo warbixin been abuur ah ka diyaariyay Dhalinyarada Puntland iyo Doorka Al-shabaab!!!!!.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 28, 2020Updated:February 28, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa dabayaaqadii sanadkii 2019-ka bishiisa November cilmi-baaris ay soo saartay Machadka cilmi-baarista SIDRA lagu soo daabacay warbixin la xiriirtay Xagjirnimada Dhalinyarada Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Dhalinyarada Puntland iyo xiriirka ururka Al-shabaab.

    Warbixintaas,ayaa falcelin iyo isweydiin badan ka dhex abuurtay aqoonyahanka iyo waxgaradka diirada ku haya siyaasada iyo horumarka Puntland.

    Warbixintaan,ayaa umuuqatay mid lagu
    horumarinayo fikirka Al-shabaab lagana dhigayo mid ku faafsan guud ahaan Soomaaliya,

    Puntland iyo shacabkeeda,ayaa warbicinta lagu muujiyay in ay yihiin dad (Concervative) asal-raac ah oo si qarsoon u qaba fikirka kooxaha argagixisada ah.

    Dhalainyarada Puntland,ayay warbixibtu ku sheegtay in ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ah fikir ahaan, halka dhalinyarada koonfurta Soomaaliya ay ugu
    biiraan Al-shabaab asbaaba la xiriira dhaqaale doon iyo awood raadis.

    Warbintaas usoo saaray Machadka SIDRA ,ayaa meel ka dhac ku ah shacabka iyo Xukuumada Puntland,waana mid xogo been abuur cad ah lagu saleeyay.
    .
    Reer Puntland oo ku guulaystay ilaalinta amniga iyo xasiloonida degaanadooda si wadajir ah,ayaa ka badbaaday fikrada xagjirnmada ah ee kooxaha argagixisadu faafiyaan..

    Hadaba Xuseyn Cali Ladane,waa Ninka qoray warbixintaas sawirka been abuurka ah ka gudbinaysa Puntland.

    Xuseyn waa kuma’?.

    Kama soo jeedo Puntland Deegaan ahaan iyo dhalasho ahaanba,waana qurba joog xili hore dalka dib ugu soo laabtay

    Xuseyn waa Nin nacaybka reer Puntland ku fogaaday si gaar ahna dagaal ugula jira nidaamka Fadaraalka. Waa nin aan Sumcad fican ku lahayn dalka Finland oo uu kasoo laabtay, halkaas oo denbiyo Treasonable offence ah uu ka galay, isagoo Masaajidka weyn iyo Jaaliyada Guud ee Soomaalida dacwooyin been ah ka sameeyay.

    ( Denbiyadaas iyo faahfaahinadooda gadaal baan idinkala wadaageynaa!).

    Waa Nin kasoo shaqeeyay kuna xiran xarumo badan oo khatar ku ah Puntland.

    Machadka cilmi-baarista ee Heritage Institute,ayuu ka shaqo bilaabay,kadib wuxuu uga diga rogtay Xaafiiska Madaxweynaha Fadaraalka qaybta xiriirka Bulshada oo mudo gaaban oo 6-bilood ah kasoo shaqeeyay,in tuusan markale dib ugu laaban Machadka Heritage.

    Xuseyn xiligan waxuu ka shaqeeya Machadka SIDRA ee Garowe oo uu aas-aasay Guuleed Saalax oo ah Gudoomiyaha Gudiga doorashada Puntland.

    Sida aan xogta ku helnay ka shaqo bilaabistiisa Machadka Sidra waa mid ay ka danbeeyeen Madaxda Machadka Hieritage ee Muqdisho,waxaana si gaar ah loo tilmaamaa in Cabdiarshiid Xaashi ka danbeeyay shaqo helistiisa Garowe.

    Sida ilo lagu kalsoonaan karo ay noo xaqiijiyeen Machadka Sidra,ayaa hada noqday Xaafiis hoos taga Machadka Heritage ee uu hogaamiyo Cabdirashiid Xaashi.

    Heritage,ayaa u isticmaasha Sidra xarun ay kusoo gudbiyaan waxii ay iyagu uga gabadaan amaan ahaan,Sumcad ahaan ama dano gaar ahaaneed.

    Guuleed Saalax waxaa looga fadhiyaa in uu warbixntaas raali galin buuxda ka bixiyo

    Ugu danbayntii Machadyada ka hawlgala Puntland waxaa looga digayaa in ay ka fiirsadaan Dadka ay shaqada siinayaan oo ay gacanta ugalinayaan Masiirka Umada.

    Xigasho:-idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.