Deni iyo Axmed,waxay muujiyeen midnimo xoog badan oo Hal Qof ay isku noqdeenwaxaana muuqata in Axmed Madoobe ka fogaanayo in la tuhmo habayaraatee.
Kulamadoodii,waxay ugu soo dhamaadeen guul,waxaana dhici karta in ay kusoo biiraan Maanta Xubnaha Madasha Mucaaradka Xamar.
Mw Axmed ilaa berri in uu kasoo tago Kenya,ayay ii sheegeen Saraakiisha Madaxtooyada JL.
Halka Mw Deni ilaa Jimcaha sii joogayo oo kulamo la qaadanayo BC,waxaana Maanta ku biiraya weftigiisa Wasiir Qoorsheel iyo Cabdullaahi Bile oo Bosaso kasoo tagaya,iyadoo horay ay ula joogeen Wasiirada Maaliyada,qorshaynta,Tamarta iyo Shaqada iyo Agaasimaha madaxtooyada PL.
Tagidii Xasan ee Kismaayo oo markii horaba ahayd,waxaan lagu heshiin oo kaliya dhanka Xasan ka socotay,haatanse kulamadii Nayrobi layskula qaatay,ayaan weli la go’aamin Maalinka ay dhacayso.