Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madasha Xisbiyada Muqdisho Oo ka baxay heshiiskii Farmaajo
    Somalia

    Madasha Xisbiyada Muqdisho Oo ka baxay heshiiskii Farmaajo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madasha Xisbiyada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in uu bur-buray heshiiskii ay kula jireen Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana aysan mid kale la geli doonin.

    Heshiiskaan,ayaa dhinacyadu ay gaareen 20-kii November kadib kulan Villa Somaliya ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee hore ee dalka, Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh oo ka wakiil ahaa Madasha.

    Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Muqdisho, oo ku taariikheysan 18-ka December, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuusan daacad ka ahayn wada-hadallada, islamarkaana uu heshiiskii hore jebiyey.

    Waxyaabaha ay Madashu ku eedeysay madaxweynaha waxaa ka mid ah..“inuu sii wado inuu shacabka u diido xuquuqdooda aas-aasiga ah ee hadalka iyo dhaq-dhaqaaqa.”

    Sidoo kale waxay Madaxweynaha ku eedeeyeen…

    “Inuu sii wado u adeegsiga hay’adaha amniga federaalka raadinta hadafyo siyaasadeed oo hooseeya.”

    Madasha Xisbiyada Muqdisho waxay kaloo ku eedeeyeen Farmaajo inuu rabshado iyo xasillooni darro aan loo baahneyn ka wado maamul goboleedyada dalka, isaga oo maal-gelinaya kacdoono ka dhan ah dowlado la doortay, sida hadalka loo dhigay.

    Arrimaha doorashooyinka, ayey Madashu sheegtay in madaxweynaha uu weli sii wado taageerista qorshihiisa doorashooyinka 2020/21 ee ka baxsan dastuurka,inkastoo Madashu aysan faah-faahin waxa uu yahay qorshahaas.

    Dhammaan qodobadaas ayay Madashu sheegtay inay jebinayaan heshiisyadii horey loo gaaray, ayna muujinayaan in Farmaajo uusan daacad ka ahayn xal ay wada gaaraan dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda dalka.

    Madasha ayaa ugu dambeyn shuruud ka dhigtay, in si wada-hadallada dib loogu furo ay doonayaan in Farmaajo dhankiisa ka shaaciyo qodobada heshiiskii hore, islamarkaana uu fuliyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.