Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXDA W.WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE PL OO HORTAGAY G.WAKIILLADA
    Somalia

    MADAXDA W.WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE PL OO HORTAGAY G.WAKIILLADA

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 20, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, Nofeembar 20, 2024: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo ay wehlinayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo khubarada Wasaaradda ayaa warbixin u jeediyey Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland.

    Madaxda Wasaaradda ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay qorshahay horumarineed ee waxbarashada, caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray taabbo gelinta mideynta waxbarashada, manaahijta iyo daadejinta adeegyada waxbarashada heer gobol iyo heer degmo.

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntlnad ayaa su’aalo ka weydiiyay Madaxda Wasaaradda tayeynta manhajka waxbarashada, kor u qaadidda tayada dugsiyada hoose iyo dhexe, hirgelinta barnaamijka quudinta ardayda, maamulka deeqaha waxbarashada iyo xeerarka muhiimka ah ee la xiriira tayada waxbarashada Puntland

    Kulankan oo ka tirsanaa Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehlinayo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.

    – DHAMMAAD –

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.