Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxii Alqaacida Ee Yemen oo geeriyooday
    Somalia

    Madaxii Alqaacida Ee Yemen oo geeriyooday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 11, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ayaa geeriyooday, waxaa sidaas Axaddii ku dhowaaqay kooxda, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah.

    Khalid al-Batarfi ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa abaal-marin ah $5 milyan, oo uu ballan-qaaday Mareykanka, sababo la xiriira hoggaamintiisa Al-Qacidada Jasiirad u yaalka Carbeed.

    Inkasta oo la rumeysan yahay in sanadihii dhowaa ay daciiftay sababo la xiriira dagaal dhexdeeda ah iyo duqeymo diyaaradeed oo Mareykanka uu ku dilay dhowr ka mid ah hoggaankeeda, haddana kooxdan oo loo yaqaan AQAP ayaa loo arkaa laanta ugu halista badan ee Al-Qacida.

    Al-Qacida ayaa sii daysay muuqaal muujinaya al-Batarfi oo ay ku duuban tahay karfan cad iyo calanka madowga iyo caddaanka ah ee kooxda.

    Kooxda ayaan shaacin sababta dhimashadiisa, mana jirin wax calaamad dhaawac oo laga arki karay wejigiisa. Al-Batarfi ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiray da’da 40 maadka.

    Kooxda ayaa geerida Al-Batarfi ku dhowaaqday habeenkii koowaad ee Ramadanka, oo maanta ka billowday dalka Yemen iyo caalamka Islaamka.

    Al-Batarfi ayaa la wareegay hoggaanka kooxda AQAP bishii Febraayo ee 2020. Waxa uu beddelay Qassim al-Rimi oo lagu dilay oo weerar drone ah ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, kaasi oo uu amray madaxweynihii xilligaas Donald Trump.

    Waxay sidoo kale kooxdu sheegtay in Saad bin Atef al-Awlaki uu la wareegi doono hoggaankeeda. Mareykanka ayaa horey madaxa Saad bin Atef al-Awlaki u dul saaray abaal-marin dhan $6 milyan, ayada oo sheegtay “inuu si shaacsan ugu baaqay weeraro ka dhan ah Mareykanka iyo xulufadiisa.”

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.