Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxwayne Farmaajo oo la xisaabtamay Maamulka G. Banaadir ( Daawo )
    Somalia

    Madaxwayne Farmaajo oo la xisaabtamay Maamulka G. Banaadir ( Daawo )

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 14, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka iyo sare u qaadidda heerka nololeed ee muwaadiniinta, laguna shaqeeyo waddaniyad, hufnaan iyo maamul wanaag.

    “Waxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana fogaataan qabyaaladda iyo eexda.”

    Sidoo kale, Madaxweyanaha ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay xoogga saaraan daris wanaagga bulshada Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan shacabka.

    Dhankooda, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha waxqabadka sannadkii tagay ee 2018 iyo waxqabadka qeybta hore ee sanadkan, iyadoo Madaxweynuhu uu su’aallo ka weydiiyey hannaanka fulinta qorsheyaasha cusub iyo caqabadaha jira.

    Xubnaha ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee ka qayb galay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow), Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka mid ah Guddiga Abaabulka iyo Wacyigalinta Qaranka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.