Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Fadaraalka oo Imaaraadka kaga qaybgalay Shirka Amniga Somaliya
    Somalia

    Madaxweynaha Fadaraalka oo Imaaraadka kaga qaybgalay Shirka Amniga Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 31, 2024Updated:February 1, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Abu Dhabi, Jannaayo 31, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

    Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka argagixisada, taas oo imaanaysaa haddii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii tagay waxay ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York Shirka Amniga Soomaaliya, kaddib markii cunaqabateynta hubka laga qaaday dalka, kaas oo loga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni u gaarto iyadoo loo marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.

    DHAMMAAD

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Abdikadir Ali Dige,
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.