Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Degaano uu Webigu ku fatahay (VIDEO+Sawirro)
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Degaano uu Webigu ku fatahay (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019Updated:October 30, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose oo uu ku fatahay wabiga Jubba.

    Deegaanadan ayaa maalin kahor waxaa ka bilowday fatahad uu samayay wabiga Jubba waxaana Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka bilowday halkaas gurmad deg deg ah kaas oo ay si aad ah ay ugu diirsadeen dadka deegaanadan ku nool.

    Waxaa la xidhay dhamaan kanaaladii uu wabigu kasoo fatahay taas oo yaraysay Khasaaraha ka dhalan lahaa waxaana fatahaada oo xili habeen ah bilaabatay ay saamayn ku yeelatay dhul beeredyo kala duwan.

    Madaxweynaha ayaa kormeeray beeraha ay fatahaadu samaysay isagoo qaar kamid ah dadka beeraleeyda ah oo uu la kulmay u sheegay in Dowladu ay garab istaagayso si khasaaraha gaaray ay uga soo kabtaan.

    Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu booqday qaar kamid ah goobaha waxbarashada oo fatahaadu ay saamayn ku yeelatay gaar ahaan deegaanka Goobweyn halkaas oo Madaxweynahu uu ka balan qaaday in balaarin iyo dib u habayn lagu samaynayo iskuulka Goobweyn isagoo mid mid u kormeeray fasalada iskuulkan.

    Deegaano kale oo katirsan Gobolka Gedo iyo Jubbada Dhexe ayay sidoo kale fatahaadu saamaysay iyadoo Maamulka Gobolka Gedo iyo Bulshada ay iska kaashanayaan sidii khasaaraha ka dhashay fatahaada wax looga qaban lahaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.