Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyay Kismaayo (Sawirro)
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyay Kismaayo (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 4, 2019Updated:July 4, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ayaa saaka si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

    Labada Madaxweyne ku xigeen gudoonka Baarlamaanka xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kale ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

    sidoo kale Madaxweynaha waxaa bartamaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah.

    Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland oo Saxaafada kula hadlay Aqalka Martida ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay Dalka kenya uu ahaa mid shaqo oo halkaas uu kula kulmay Xubnaha beesha Caalamka ee tageera Soomaaliya isla markana uu kala hadlay sidii tageerada ay siiyaan soomaaliya ay usii labo jibaari lahayeen.

    Dhinaca kalana Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu la kulmay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee halkaas ku nool gaar ahaan odayaasha iyo dadka waxgaradka ah.

    Madaxweyaha oo ka hadlay arimaha doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay si wadajir ah in loogu dadaalo sidii nabadgalyo iyo daganaan ay ugu dhamaan lahayeen howlaha la xiriira doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha isla markana looga danbeeyo gudiga xuduudaha iyo Doorashooyinka oo howshaas gacanta ku haya.

    Dadweynaha ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo midnimadooda ay adkeeyaan si howlaha la xiriira doorashooyinka aanay u khalkhal galin nabadgalyada iyo Nolosha dadweynaha.

    Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in xoraynta dalka ay tahay masuuliyad la wada leeyahay gaar ahaan Jubbaland ayuu sheegay in dhankeeda ay diyaar u tahay sidii howlgalo midaysan loo qaadi lahaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.