Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo war kasoo saaray xaalada degmada Baardheere
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo war kasoo saaray xaalada degmada Baardheere

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 30, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kismaayo, 30 April 2020- Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay fatahaadaha ka dhacay guud ahaan Dalka gaar ahaana saameyn ku yeeshay qeybo kamid ah Jubbaland, sida Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo jasiirada Madhawo ee gobolka Jubbada hoose iyo sidookale fatahaadaha ka dhacey magaalada Qardho ee gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland, Fatahadahaan ayaa geystay khasaaro laxaad leh oo Naf iyo Maalba leh, ayadoo ay boqolaal Qoys ka barakaceen hoygoodii hantidoodiina ku wayeen. Madaxwaynaha ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay leedahay dhibaatada baahsan ee soo gaartay qoysaska dan yarta ah.

    “Waxaan ugu horreyn murugada iyo dhibka la qeybsanayaa dhammaan qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay guud ahaan deegaannada Jubbaland gaar ahaana Baardheere iyo Madhawo anaga oo dadaal adag ku bixin doonna sidii aan uga qeyb qaadan lahayn badbaadinta iyo samata bixinta qoysaska danyarta ah ee ay dhibtu saameysay, Waxaan ugu baaqayaa dadka in ay ka digtoonadaan fatahaado horleh oo ay suurtagal tahay in ay dhacaan maddaama la filaayo xili robaadkaan in uu noqdo mid ka xoog badan roobabkii hore”.

    Madaxwayne Axmed ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u gurmadaan walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha roobka kadhashay, sido kale madaxwaynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay gurmad degdeg ah laso garaan shacabka Soomaaliyeed ee ku masiibooyinku ku habsadeen ee ku nool Degmada Baardheere iyo Jaziiradda Madhawo.

    Ugu dambeyn madaxwaynaha ayaa ammaan iyo bogaadin uso jeediyay dhalinyarada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta isu xilqaamay u gurmashada shacabka dhibaataysan ee ku waxyeeloobay fatahaadaha culus ee ka dhacay degmada Baardheere waxaana uu xusay in ay Wali jirto khatar ay wajahayaan dadka ku nool jiinka Webiga Jubba iyo Dooxooyinka kuwaas oo mar kale daadad iyo fatahaado xoog leh gaysan kara.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.