Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Maraykanka oo shaaciyay qorshe lagu joojinayo dagaalka Qasa
    Somalia

    Madaxweynaha Maraykanka oo shaaciyay qorshe lagu joojinayo dagaalka Qasa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 1, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa ku boorriyay Xamaas inay aqbasho hindisaha cusub ee Israa’iil ee lagu soo afjarayo colaadda Qasa, isagoo sheegay in la gaaray waqtigii dagaalkan uu dhamaan lahaa.

    Hindisahan oo ka kooban saddex qaybood ayaa ku bilaaban doona xabbad joojin lix toddobaad ah oo ay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) uga baxayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee Qasa.

    Waxaa sidoo kale jiri doona “kor u kaca” gargaarka bini’aadannimo, iyo sidoo kale in la isku beddesho sii deynta qaar ka mid ah la haystayaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta.

    Heshiisku wuxuu ugu dambeyntii horseedi doonaa “joojin colaadeed” oo oogto ah iyo qorshe dib loogu dhisaya Gaza.

    Xamaas waxay sheegtay inay u aragto hindisaha mid wanaagsan.

    Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad Jimcihii, Mr Biden ayaa sheegay in wejiga koowaad ee qorshaha la soo jeediyay ay ka mid yihiin “Xabad joojin buuxda oo dhameystiran”, ka bixitaanka ciidamada IDF ee meelaha ay dadku ku badan yihiin iyo in lahaystayaasha lagu beddesho maxaabiista Falastiiniyiinta.

    “Runtii waxa la jooga waqti muhiim ah oo go’aan qaadasho leh,” ayuu yiri. “Xamaas waxay sheegtay inay doonayso xabbad joojin, heshiiskani uu yahay fursad lagu caddaynayo in heshiisku uu yahay mid dhab ah.”

    Biden ayaa sheegay in xabbad-joojinta, ay oggolaanayso in gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah la gaarsiiyo dhulka go’doonsan, iyadoo “600 oo baabuur oo xamuul ah oo gargaar ah la geynayo Gaza maalin kasta”.

    Wajiga labaad waxaa dib loo soo celin doonaa la haystayaasha nool oo dhan, oo ay ku jiraan askarta lahaysto. Xabad-joojintu waxay markaas noqonaysaa “in dagaalka loo joojiyo si joogto.”

    Dadka Xamaas ku boorriyay inay oggolaadaan hindisahan waxaa ka mid ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK David Cameron.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.