Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Maraykanka oo udigay Ra’isalwasaaraha Israa’iil
    Somalia

    Madaxweynaha Maraykanka oo udigay Ra’isalwasaaraha Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 5, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Khamiistii in sii wadidda taageerada Mareykanka ee dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas inay go’aamin doonto sida Israel ay u qaadato tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku nool marinka Gaza iyo shaqaalaha bini’aadantinimada ee isku dayaya inay cunto u keenaan.

    Maalmo ka dib markii ciidamada Israa’iil ay qaadeen duqeymo cirka ah oo ay ku dhinteen todoba shaqaale ah oo ka hawlgelayey hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, ayaa Aqalka Cad wuxuu sheegay in wadahadal dhinaca khadka telefoonka ah oo dhexmaray Biden iyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil, inuu u bayaamiyey, “inaan la aqbali karin, duqaymaha loo geysanayo shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo weliba xaaladda bini’aadanimo ee deegaanka ka jirta.”

    Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in Biden uu ka dalbaday Israa’iil inay la yimaaddaan tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah iyo “Xabbad joojin degdeg ah” si loo soo afjaro colaadda socota muddada lixda bilood ah.

    Waxa uu si cad u sheegay in siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan xaaladda Gaza lagu go’aamin doono qiimayntayada la xidhiidha tallaabooyinka degdegga ah ee ay Israa’iil qaado.

    Isagoo ku sugan Brussels, ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu u sheegay weriyayaasha, “Haddii aanaan arkin isbeddellada aan u baahannahay in la sameeyo, waxaa jiri doona isbeddello lagu sameeyo siyaasaddayada.”

    Mar wax laga waydiiyay afhayeenka golaha amniga Qaranka John Kirby oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, in Maraykanku uu joojinayo kaalmada milatari ee uu siiyo Israa’iil, ayuu yidhi, “Ma doonayo in aan saadaaliyo go’aamo aan weli la gaarin, laakiin waxaa jira waxyaabo u baahan in la sameeyo. Dad badan ayaa la laayey.”

    Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dawladda Israa’iil oo ku saabsan dalabaadka Mareykanka.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.