Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Heshiis Madaxweynayaasha Soomaaliya & Kenya (Akhriso)
    Somalia

    Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Heshiis Madaxweynayaasha Soomaaliya & Kenya (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel fattah El-Sisi, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Diplomaasiyadeed ee ay dhowaan Magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

    Qoraal uu Madaxweyne El-Sisi, soo dhigay barta uu ku leeyahay Twetter-ka ayuu ku sheegay in uu muhiim yahay heshiiskaas, isla markaana uu Gobolka u horseedayo xasilooni, iskaashi iyo horumar.

    “Waxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladood”ayuu yiri, Abdel Fattah El-Sisi.

    Madaxweyne, El-Sisi, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay garab taagan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

    Madaxweynaha Dalka Masar C/fitax Al-Sisi ayaa bilo kahor ku kulan siiyay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, xillligaas oo la sheegay in is-faham dhexmaray Labada Madaxweyne.

    Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa khilaafkoodu salka ku hayaa Muranka Soohdinta Badda ee Labada Dalka, Kenya ayaana dooneysa in murankaas lagu xaliyo Wada-hadal dhex-mara Labada Dowladood, wallow Soomaaliya ay dooneyso in Maxkamad lagu kala baxo.

    Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa sheegtay in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya uu Heshiiskoodii Nairobi qeyb ka aheyd in Muranka Labada Dalka ee Biya-badeedka lagu dhameeyo si is-ogol ah, uu beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Amb. Axmed Cawad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.