Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Heshiis Madaxweynayaasha Soomaaliya & Kenya (Akhriso)
    Somalia

    Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Heshiis Madaxweynayaasha Soomaaliya & Kenya (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel fattah El-Sisi, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Diplomaasiyadeed ee ay dhowaan Magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

    Qoraal uu Madaxweyne El-Sisi, soo dhigay barta uu ku leeyahay Twetter-ka ayuu ku sheegay in uu muhiim yahay heshiiskaas, isla markaana uu Gobolka u horseedayo xasilooni, iskaashi iyo horumar.

    โ€œWaxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladoodโ€ayuu yiri, Abdel Fattah El-Sisi.

    Madaxweyne, El-Sisi, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay garab taagan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

    Madaxweynaha Dalka Masar C/fitax Al-Sisi ayaa bilo kahor ku kulan siiyay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, xillligaas oo la sheegay in is-faham dhexmaray Labada Madaxweyne.

    Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa khilaafkoodu salka ku hayaa Muranka Soohdinta Badda ee Labada Dalka, Kenya ayaana dooneysa in murankaas lagu xaliyo Wada-hadal dhex-mara Labada Dowladood, wallow Soomaaliya ay dooneyso in Maxkamad lagu kala baxo.

    Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa sheegtay in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya uu Heshiiskoodii Nairobi qeyb ka aheyd in Muranka Labada Dalka ee Biya-badeedka lagu dhameeyo si is-ogol ah, uu beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Amb. Axmed Cawad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.