Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNAHA OO FURAY SHIRWEYNAHA 2-AAD ARRIMAHA DIINTA IYO NABADEYNTA.
    Somalia

    MADAXWEYNAHA OO FURAY SHIRWEYNAHA 2-AAD ARRIMAHA DIINTA IYO NABADEYNTA.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe : 29 November 2023 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay shirweynaha sanadlaha ah ee Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayna ka qeybgaleen Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey qodobada ugu weyn ee looga hadlayo inta Kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nabadgelyada, xoojinta doorka haweenka ee arrimaha diinta iyo maamul wanaag ku saleysan diinteenna suubban, wuxuuna ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo Kulamada noocan oo kale ah.

    Culimaa’udiinka Munaasabadda ka hadlay waxay ku tilmaameen kulamada noocan oo kale ah kuwo baahi weyn loo qabay, laguna horumarin karo wacygelinta bulshada, Waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen wadashaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.