Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer – Madaxweyne Lr. 002 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Bangiga, Agaasimaha Bangiga iyo Agaasime Ku-xigeenka Bangiga Dowladda Puntland
Waxaa Maxamed Maxamuud Cabdullaahi loo magacaabay Guddoomiyaha Bangiga Dowladda Puntland.
Waxaa Feysal Cabdullaahi Warsame (Murcanyo) loo magacaabay Agaasimaha Bangiga Dowladda Puntland.
Waxaa Cali Yuusuf Faarax loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Bangiga Dowladda Puntland.
*Xeerkani wuxuu dhaqan gelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
