Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNAHA OO SAXIIXAY WAX-KA-BADALKA 1-AAD EE DASTUURKA DOWLADDA PUNTLAND
    Somalia

    MADAXWEYNAHA OO SAXIIXAY WAX-KA-BADALKA 1-AAD EE DASTUURKA DOWLADDA PUNTLAND

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 27, 2023Updated:July 27, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Sharci Lr. 02 ee 27-ka Luulyo 2023, kuna saabsan Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 16-aad iyo Qodobka 139-aad.

    Markuu arkay: Ansixinta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Summadeedu tahay XGGW/DPL/41/2022, kuna taariikhaysan 26-ka July 2023.

    Wuxuu soo saaray

    Sharciga soo socda:

    Qodobka 1aad

    Golaha Wakiiladu waxay ansixiyeen Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowadda Puntland.

    Qodobka 2aad

    Nuqulada asalka ah (Original) waxaa lagu kala kaydinayaa Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda

    Qodobka 3aad

    Dhaqangal Sharcigani wuxuu noqonayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda Puntland, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu, sidoo kale waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.