Ku: Xubnaha Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kumetala Dowladda Puntland
Ujeeddo: Casumaad Shir Wadatashi
Xildhibaanada sharafta leh,
Iyadoo laga duulaya xaaladda cakiran ee siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan idinku casumaynaa kulan wadatashi oo aan kaga wada arrinsan doono wixii laga yeeli lahaa xaaladda ka sii daraysa ee sharci iyo siyaasadeed ee hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanku wuxuu ka dhacayaa Caasumadda Dowladda Puntland ee Garowe, Maalinta Isniinta ah 2-da Bisha Maarso 2026 haddii Alle idmo.
Ka soo qaybgal wacan,
Waxaa saxiixay,
Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
