Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland: Kala dambayn iyo amni aan helnay ayaa Jaamacadaheenu ku tisqaadeen (Sawirro+VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland: Kala dambayn iyo amni aan helnay ayaa Jaamacadaheenu ku tisqaadeen (Sawirro+VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019Updated:November 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay qalin bedelashada ardayda dufcadda 7-aad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe.

    Ardayda qalin bedelatay ayaa dhan 190 arday, waxaana ay ka kala bexeen todoba kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha Jaamacadda. Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka Jaamacadda Bariga Africa, Ismo, nabadoono, waalidiin waxgarad iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyne Deni ayaa hambalyo, dardaaran iyo duco usoo jeediyey ardayda ka qalin bedelatay heerka koowaad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe.

    “Runtii waa maalin farxad weyn waa maalin aan la qaybsanayno ardayda waxbarashada heerka koowad ka gudubtey ee 190 ka ah, kuwaasi oo bartay kulliyadaha kala duwan ee bulshadu u baahan-tahay iyo waalidkii kusoo tiir iyo tacab beelay oo wakhtiga badan geliyey, waxaan idinla qaybsanaynaa farxaddaas, runtii maanta waa maalin dowladda Puntland farxad u ah, waxaad ogtihiin markii Puntland 1998 la aasaasay oo dalka dowlad, kala dambayn iyo amni aan helnay ayaa Jaamacadaheenuna sidan u tisqaadeen”

    “Guulaha aan gaadhney waxaa kow ka ah dhismaha dowladnimada, taas ayaa sahashey inaan helno Jaamacado. Waajibka la rabo inay shacabka Puntland iyo kuwa Soomaliyeedba ilaaliyaan waa nabadda iyo dowladnimada oo lagu fara adaygo, horumarka aan rabno inaan tiigsano labadaas baa saldhig u ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmamaay in waxbarashadu tahay shayga ugu muhiimsan ee horumar gaadhsiin kara bulsho, waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in laga guuro fekerka ah in dadkoo dhan u shaqeeyaan dowladda, ayna ku bedelaan fekerkaasi fursado kale oo ka faa’iido badan, dalkana gaadhsiin kara horumar, sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan habluhu waxbarashada.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey ardayda inuu ku anfaco cilmiga ay barteen, kana yeelo kuwii wax ugu qabta cilmiga ay barteen dalkooda iyo bulshadooda, waxaana uu marlabaad hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jebisey. Ugu dambayna waxa uu guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore gashay abaalmarino.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.