Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo fashilayay Shir ka dhici lahaa Muqdisho
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo fashilayay Shir ka dhici lahaa Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa iska diiday marti-qaad uu u soo diray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku aadana inuu kazoo qeyb-galo shir looga hadlayo xaalada dalka, hor-dhacna u ah Shirweynaha Belgium ee Arrimaha Soomaaliya.

    Madaxweyne Deni ayaa Shuruud adag ku xiray ka qeyb-galka Shirkanb Muqdisho ka dhacaya, isagoona dalbaday inuu kazoo qeyb-galo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), kaas oo dib loogu doortay Doorasho kismaayo ka dhacday 22-kii, August,2019.

    Ilo-wareedyo katirsan Madaxtooyadda Puntland ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Idil News, in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu ka dhaga adeegay dalabka Madaxweyne Deni, taas oo sababtay inuu iska diido Madaxweynuhu inuu tago Magaalada Muqdisho.

    Beesha Caalamka ayaa ku xirtay Dowlada Fadaraalka in Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ay kasoo wada qaybgalaan shirka Muqdisho, kaas oo hor-dhac u ah Shirka Belgium ee โ€œSomali Partnerโ€

    Madaxda Dowlada Fadaraalka ayaa qorsheynayay in Shirkan ay ka qeyb-galaan Maamulada Hir-shabelle iyo Koonfur-Galbeed,isla markaana si dhakhso ah ay ugu soo saaraan hogaaminta Galmudug Musharax Qoor-qoore, Sidoo kale Puntland ay si uun ku qanciyaan,halka Jubaland ay ku talagaleen in ay is ka takooraan Shirka, taas oo ay Puntland riday Rajadeeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.